Muxaadaro: Alloow Aarsigayaga Ka Yeel Cidii Nadulmisa
Muxaadardan ayaa waxay ka dhacday masjidka Rashiid ee Magaalada Bosaaso waxaana ka soo qeybgalay dhageysigeeda dadweyne aad ufarabadan kuwaasi oo uxiisa qabay cinwaanka muxadarada ee uu sheikh Axmed Cabdi Samad soo diyaariyay.
Waxaana cinwaanka muxaadarada uu ahaa “Ilaahoow Aarsigayaga Ka yeel Cidii Nadulmisa” waxaana Intii ay socota muxaadarada sheekhu uu ku dul akhriyay dhageystayaashii muxaadarada ducooyin badan oo uu ku duceysan jirey Nabbi Muxammed N.N.K.H.
Halkan ka Dhageyso Muxaadarada Oo dhameystiran
Gabagabada muxadarada ayaa sheekhu waxa uu ka hadlay xaaladaha adag ee maanta heysta shacabka soomaaliyeed ee dhibaateysan mudada 20sano ah waxa uuna ku booriyay in ay ilaah usoo toobadkeenaan si uu uga saaro dhibaatadan sii badanaysa maalinba maalinta ka danbeysa