Muxaadaro Cusub oo ka hadlaysa Sugnaanta Diinta Islaamka oo ka dhacaday Masjidka Ramadan Ee Magaalada Bossaso

 


Bosaaso:- Masjidka Ramadaan ee ku yaalaMagaalada Bosaaso ayaa waxa caawa lagu qabtay Muxaadaro ka hadlaysa Sugnaanta Diinta islaamka iyo qabsashada Sunnaada Nebbi Muxammed N.N.K.H waxaana soo diyaariyay oo soo jeedinayay Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah culumaa’udiinka Ku sugan magaalada Bosaaso ee Xarunta gobalaka Bari.


Dad aad ufara badan ayaa ka soo qeybgalay dhageysigii muxaadaradii lagu qabtay Masjidka Ramadan,waxaana uu ugu horeyn sheekha uu ka hadlay in Sugnaanta meesha ugu horeysa ee laga helayo in ay tahay Qabsashada Kutubka Qur’aanka Kariimka ah oo ah xarigii alle ee anan go’ayn marnaba uu jiri doono inta dunida baaqiga lagu yahay


Sheekha ayaa waxa uu sidoo kale ka hadalay dhibaatooyinka ka jira dalalka islaamka waxa uuna taasi ku sheegay in ay sabab u tahay in inta badan dadalalkaasi ay ka jiraan   dastuur aanan ahayn sharciga ilaaheey oo ay isku xukumaan dalalkaasi  isagoo tusaale uu usoo qaatay qaar badan oo ka mid ah dalalkaasi maanta ay ka jiraan mashaakilaad badan 

Sidoo kale Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji nuur ayaa mar uu bayaaninayay qaabka loo sugi karo Diinta Islaamka waxaa uu tusaale usoo qaatay qaabkii Saxaabadii Nabbiga S.C.W ay ugu sunaadeen diinta islaamka in ay ahayd Nabbi Muxamed N.N.K.H uu ku tarbiyeeyay qaabkii ay ugu sugnaan lahaayeen Diinta islaamka


Waxaana uu sheekhu tusaale uu usoo qaatay qaar ka mid ah saxaabadii Nabbiga  R.C ee lagu dhibaateeyay Diinta islaamka waxaana ka mid ahaa Saxaabadii uu Tusaalaha usoo  qaatay saxabigii Qabaab ibnu Arati Iyo Bilaal Ibnu Rawaax oo uu sheegay in ay ciqaabi jireen Kufaartii  xiligaasi jirtey.

Gabagabdii muxaadarada ayaa waxa uu sheekha ugu dardaarmay dhammaan  muslimiinta in ay ku sugnaadaan Diinta Islaamka iyo in ay midoobaan si ay buu yiri ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo dagaal kula jirtay Diinta Islaamka, waxa uuna sheekha uu illaah uga baryay in ilaah dhibaatada ka kor qaado shucuubta  islaamka ee meel  kasta oo ay aduunka ka joogaan, sida Shacabka Reer Ciraaq,Falastiin,Afgaanistaan iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku jirey 20kii sano ee ugu danbeeyay,waxa uuna kula dardaaramay in illaah ay usoo toobadkeenaan Shacabka Soomaaliyeed si  ay uga baxaan dhibaata ku habsatay dadkii iyo dalkii soomaaliya. 


Halkan ka dhageyso walaal Muxaadarada oo dhameystiran



           

Siciid Buule
Al-xikma Bossaso 
allxikma@hotmail.com


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .