Muxaadaro Ku Saabsan Cadaalada oo Xalay Lagu Qabtay Masjidka AL-Aqsa Ee Magalaada Bosaaso
Bossaso:-Muxaadaran ayaa xalay waxay ka dhacday Masjidka Al-Aqsa oo ku yaala Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobalka Bari waxaana soo jeediyay sheekh Axmed Cabdi Samad.
Dadweyna aad ufarabadan ayaa soo buuxdhaafiyay Masjidka muxaadarada lagu qabanayay si ay ugu faa’ideystaan Dulucda muxaarada ee sheekhu soo jeedinayay.
Waxaanamuxaadardan diirada lagu saarayay inta badan cadalaada iyo qaabka ugu wanaagsan ee lagu fulinkaro iyo waxyaabaha diinta ay ka qabto ilaalinya ama fulinta cadaalada,Waxa uuna Sheekhu muxaadarada ciinwaan uu uga dhigay Cadaalada iyo saameynta ay ku leedahay Daganaashaha.
Sheekh Axmed Cabdisamad ayaa waxaa uu si qota dheer uu uga hadlay arimo badan oo ku saabsan Cadaalada, waxa uuna ku booriyay dhammaan dadweynihii goobjooga ka ahaa dhageysiga Muxaadarada in ay ilaaliyana cadaalada, waxuuna sheekhu ku dul aqriyay dhageystayaashii Muxaadarada Ayado Qur’aan ah iyo Xadiista Nebbi Muxammed N.N.K.H kuwaas ka hadlayay Cadaalada iyo nsaameynta ay ku leeyahay bani aadamka isagoo sheekhu soo qaadanayay tusaalooyin kudayasho mudan oo ka soo qaatay Asxaabtii Naebiga N.N.K.H.
Gabagabadii muxaadarada ayaa waxa uu sheekhu ugu dardaarmayshacabka soomaaliyeed in ay ilaah usoo toobad keenaan isagoo u duceeyay walaalaha soomaaliyeed ee dhibaateysan inuu dhibka ka qaado.
Hadaba walaal halkan ka dhegyso Muxaadarda Oo Maqal ah