Shariif Sh. Axmed:- Duqeyda Soomaaliyeed haka qeybqaateen soo celinta amniga


(Muqdisho) Muxaram,22:- Madaxweynaha DKMG ah ee soomaaliya Shariif Sheekh axmed oo uwaramay warbaahinta gudaha muqdisho ayaa ka codsaday odayaal dhaqameedyada soomaaliyeed in ay gacan weyn ka gaysteen soo celinta amaanka koonfurta soomaaliya.


Sheekh Shariif oo ay u muuqato in uu markan diirada soo saaray odayaal dhaqameedyada ayaa yiri:- "Waxa aan xilligan tabayno waa odayaal dhaqameedyada iyo qaab'ilka soomaaliyeed, waa in ay ka qaybqaataan soo celinta amniga iyo waliba xasiloonida soomaaliya, gaar ahaana ay dawlada ka shaqeyaan soo celinta awooda iyo taliskeeda"


Malinimadii shalay ayay ahayd markii uu Raiisulwasaare Sharma'arke uu caalamka ugu baaqay in ay ka qeybqaataan isu soo dhaweynta dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya iyo waliba in latageero dawlada Soomaaliyeed ee taagta daran.


Hadaladan ayaa waxa ay qeybka yihiin dadaalo ay DKMG ahi ay uga gol leedahay in ku soo ceshato awoodeeda talis ee koonfurta iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya kadib markii ay ka itaal roonadeen kooxaha kasoo horjeeda dawlada waa Xisbul islam iyo Al-shabaab taasi oo awooda dawlada ku koobtay degmooyin kooban oo katirsan Gobolka Banaadir


Siciid Axmed
Al-hikma Bosaso
allxikma@hotmail.com


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .