Woqooyiga Muqdisho oo laga barakacayo, iyo iska hor imaadyo kasocda muqdisho


(Muqdisho) Muxaram,22:- Iska hor imaadyo aan khasaare badan ka dhalan, ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo DKMG ee Soomaaliya dhexdooda, kadib markii ay isku rasaaseyeen degmada shangaani ee Gobolka Banaadir.


Hal askari ayaa ku geeriyooday, mid kalena waa uu ku dhaawacmay, kadib markii degmada shangaani ay soo gareen ciidamda ilaalada badda ee DKMG- kadibna ay rasaas ku fureen qaar kamid ah ciidamada DKMG ee horay goobtaasi ku sugnaa taasi oo dhalisay geerida askariga iyo waliba dhaawaca midka kale.


Gudoomaha Degmada Shangaani oo u waramayay Saxaafada Gudaha Muqdisho ayaa tibaaxay in iska horimaadyadan soo noqnoqday ee u dhexeeya ciidamada dawlada dhexdooda ay wax ka qaban doonaan isaga sidoo kale sheegay in ay guntiga u xiranayaan si ay u soo afjari lahayeen dhacdooyinkan oo kale si aysan dib ugu dhicin.


Ciidamda DKMG ayaa had iyo jeer waxa ay isku rasaaseeyaan degmooyinka muqdisho, inatabadana iska hor imaadyadaasi waxa ay salka ku hayaan arimo aan waaweyneyn taasi oo keenaysa in ciidamada DKMG kamid ah ay si sahlan ugu geeriyodaan dagaalo iyaga dhexdooda ah.


Dhanka kale dadkii horey uga barakacay woqooyiga muqdisho ee isla markaasina kusoo laabtay, ayaa hadana waxaa dib usoo food saartay xaalad amni xumo taasi oo keentay in ay dib u barakacaan, kadib markii ay madaafiicda ay isweydaarsanayaan dhinacyada kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya ay kusoo hoobanayso deegaamada Woqooyiga Muqdisho.


Dadku waa ay dhiban yihiin waa sii barakac iyo soo loobasho, waxana intaasi oo dheer dac darro ku haysato meel kasta oo ay tagaan iyo waliba roobab iyo dabaylo saameeya socdaalkooda nabad raadineed, taasi oo keentay in inta badan dadka muqdisho ay si dhib yar ugu leedaan dhibaatooyin aan la ogeyn halka ay sal dhigan doonto iyo xilli ay soo afjarmi doonto. Allow Adiga ayaa shacabka u maqan ee u gargaar.


Siciid Axmed
Al-hikma Bosaso
allxikma@hotmail.com


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .