Masaajidda Boosaaso oo maanta looga hadlay adkeynta amniga
(Bosaso) Muxaram,22:- Inta badan Masaajida Magaalada Boosaaso ayaa maanta khubada jimcaha waxaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga iyo waliba in laga dhiidhiyo dhibaatooyinka amni darro ee soo foodsaaray bulshada soomaaliyeed gaar ahaanna tan maanta ku soo korodhay.
Khadiibyada Masaajidu waxay dadka wax ka xasuusiyeen Aayado qiime badan kuwaasi oo hadii sida ay tahay loogu dhaqomo ay noqonayso tubta toosan ee lagu gaaro karo nabad waarta iyo barwaaqo waxaana kamid ahaa aayadahaasi
"الذين آمنوا ولم يلبسوا إيمانهم بظلم أولئك لهم الأمن وهم مهتدون"
Waxayna Culumadii masaajida ka istaagtay ay umada uga digeen in lasii wado in la iska dhaga tiro in lala dagaalamo waxyaabaha keena amni xumada si uu ilaahay (subxanahu watacaalaa) uu dhibta nooga kor qaado iyaga oo sheegay in lagu cibra qaato waxa ka socda deegamada deriska ah ee gobolada dhexe iyo Koonfurta Soomaaliiya.
Ugu danbeyntii waxaa ay culumadu u duceysay walaalaha dhibaataysan ee meel walba jooga waxayna ilaahay ka baryeen in uu umada reer Boosaaso iyo Puntland uu ka korqaado dhibaatada iyo waliba amni darrada.
Siciid Axmed Al-hikma Bosaso allxikma@hotmail.com |