(London) Muxaram,21:- Maqaal ay subaxnimadii saaka ay soo dabcday jariidada afka carabiga kusoo baxda ee Sharq Al-Awsad ayaa kusoo daabacday bogga ay internet-ka ay kuleeday in ay muuqdaan ifafaalo dagaal oo dhici kara laba asbuuc guduhood kaasi oo ay DKMg ahi ay doonayso in ay kusoo ceshato gacan ku haynteeda magaalada Muqdisho.
Ilo ku dhowdhow labada dhinacna oo u waraamay Jariidadan ayaa tibaaxaya in labada dhinac ay heegankoodii ugu danbeeyey ay ugu jiraan si ay ugu gacan sarayn lahayeen dagaaladan ay maalmahanba hadal hayeen DKMG iyo waliba Garabyada kasoo horjeeda waa Xarakada Alshabaab iyo Xisbul Islaam.
Arintana waxa ay timi xilli uu ra'iisul wasaaraha DKMG ee soomaaliya Dr. Cabdirashiid Cali Sharma'arka ee carabka ku dhuftay in ay ku jiraan u diyaargarowgii ugu danbeeyey ee ay ku doonayaan in ay gacantooda ay ku soo laabato maamulka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
"Ciidamadayadu waa heegan si ay u dhaqaqaan si ay u saaraan kooxaha argagaxisada ka hor bilashada bisha febarwari, kuna eekaan mayno intaas oo kaliya ee waan waxaano wadi doonaa in aan baahino taliskayaga" Ayuu yiri Dr. Cabdi rashiid mar uu saxaafada u waramayay
Dhanka kale Sh. Maxamed Macalim Afhayeenka xisbul islaam oo uwaramay wakaaladaasi ayaa isna sheegay in ay u diyaar garoobayaan sidii ay wado isaga marin lahayeen Xoogaga DKMG ee Soomaaliya isaga oo sheegay in DKMG ay u dagaalamayso si ay u qabsato Suuqa bakaaraha oo ah saldhiga ganacsiga koonfurta Soomaaliya si ay dhakhli uga helaan.
Arintan waxa walaac ku abuurtay shacabka soomaaliyeed ee birmagaydhada ah waxayna dhinacyada kaladuwan xilli walba ay ka codsadaan in ay joojiyaan hurinta cooladahaas wax yeeleeyay horumarka umada soomaaliyeed.
Isha warka: Sharqul Awsad