Kadib Hanjabaadyo aad u xoog waaweyn oo ay dhinacyada kala duwan ee ku herdamaya siiyasada soomaaliya ay isku weydaarsanayeeen saxaafada, ayaa waxaa qaylo dhaan ay ka soo yeeraysaa shacabka ku barakacay gudaha muqdisho iyo kuwa ku dhex nool magaaladan ay halakeyeen dagaalada iyo duqaymaha ay iswaydaarasnayaan Ciidamada DFKMG ah iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
MuqdishoShacabka oo aad ugu dhibaatooday dagaalada aan kala go'a lahayn ee kasaconaya muqdisho iyo daafaheeda ee labaatan jirsaday, ayaa waxa muuqata in ay ka dhargeen macnaha cooladu ay leedahay taasi oo ku tusinaysaa, sida ay boholyoga ugu qabaan helida nabadda iyo waliba isu soo dhawaanshaha dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada soomaaliya.
Dhanka kale Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Xisbul Islaam ayaa dhiniciisa ka dhawaajiyay in ay diyaar uyihiin in ay iska difacaan shacabkana ka difaacaan werar kasta oo uga yimaada DFKMG ee soomaaliya, isaga oo sheegay in ay dawladu damacsantahay majaxaabinta Mujaahidiinta ee soo dhabar adeygay dhibaatadii ladagaalanka waxa uu ku tilmaamay gumaysiga iyo waliba nabadaynta gobolada soomaalida.
Muqdisho Waan Soo ceshanaynaa-Wadahadal Soomaliyeed Isku meel Magalaan?!
Kadib markii ay dawladu ku goodisay in ay dib usoo ceshanayso gacan ku haynta magalada muqdisho ayaa dhinaca kale Raiisul wasaaraha DFKMG ee soomaaliya Dr. Cabdirashiid Ali Sharma'arke ayaa waxa uu caalamka ugu baaqay tageerada DKMG iyo waliba in la isu soo dhaweeyo dhinacyada ay isku hayaan siyaasadda.
Arintan ayaa u muuqata mid aan mira dhalayn xilli ay dhinacyada halka saf kasoo wada jeeda wa xisbul islaam iyo alshabaabku ay isku maandhafeen calanka rasmiga ahe ee Soomaaliya iyo waliba iyaga oo ay dagaalo xoog badan ay ku dhex mareen koonfurta wadanka gaar ahaana Jubooyinka. Iyada oo ay dheertahay ismaandhaafka weyn ee u dhexeeya kooxaha islaamiyiinta iyo DFKMG ee Soomaaliya.
Shacabku waa Kan markasta dhibaataysan waxayna had iyo jeer ay ku riyoonayaan goorma ayaa shanta soomaali oo nabad ah nabadina ay dhextaalo la arki doona lakiin waqti iyo dadaal ayaa loo marayaa ee jaaniskii yaa siinaya