Xaflada Lagu Sagootinayay Adrday ka Qalin jabisay Jaamacada Bariga Afrika oo Dhacday Magaalada Bosaaso
Bossaso:- Jaamacada Bariga Afrika oo ka mid jaamacadaha Ugu waaweyn Gobalada Puntland ayaa maalintii shalay ahayd waxaa hoolka shirarka ee Jaamacadaasi ka dhacay Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay laguna sagootinayay 61 Arday oo Jaamacadaasi ka Qalinjabinayay.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socotey Maamulka Puntland,Ganacsato,Cumlumaa'udiin iyo Marti sharaf aad ufara badan. Waxaana ugu horeyn Xafladaasi hadalo ka soo jeediyay xubno ka tirsan Maamulka Jaamacada Bariga Afrika waxayna ka war bixiyeen xaaladaha wax barasho ee jamacadaa Bariga Afrika iyo hormarka ay gaartey Jaamacada intii ay jirtey,waxayna sidoo kale tibaaxeen in jamaacada Bariga Afrika ay ku soo kordhin doonaan hormar ka balaaran midka ay haatan ay Jaamacadu gaartey.
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Bari Dr Muuse Geele Yuusuf Faroole waxa uuna ku amaanay Maamulka Jaamacada Bariga Afrika sida ay ugu dadaaleen sidii ay usoo saari lahaayeen jiilal aqoon yahano ah,waxa uuna sidoo kale uu mahad celin usoo jeediyay ardaydii xaflada lagu sagootinayay oo uu kula dardaarmay sidii Bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan ay wax ugu qaban lahaayeen iyo sidoo kale in dhalinyarada qalin jabineysay ay Maamul ahaan ay kala shaqeeyaan ilaalinta nabad galyada oo uu sheegay in ay wax weyn ay kala qaban karaan.
Gabagabadii xaflada ayaa waxaa halkaasi hadalo qiira badan ka soo jeedisay mid ka mid ah Gabdhihii ka qalin jabineysay Jaamacada Barika Afrika waxayna amaan iyo mahad celin balaaran ay usoo jeedisay maamulka jaamacada iyo macalimiintii sidii hagar la'aanta ahayd wax usoo baray "Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ardayda iyo dhalinyarada soomaaliyeed in ay ku dadaalaan oo ay xooga saaraan waxbarashada si bulshada soomaaliyeed ay ugu baxaan jahliga iyo dhibaatada maanta haysata"ayay tiri mid ka mid ah Gabdhihii ka qalin jabinaysay Jaamacada Bariga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee xafladan oo ahayd xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa ugu danbeyntii waxay shirkada isgaarsiinta Telcom Puntland ay ku gudoonsiiyay ardaydii iyo Maamulka jaamacada Bariga Afrika abaalmarino kala duwan oo ay ugu talagashay ardaydii ka qalin jabineysay Jaamacada Bariga Afrika. |