Minhaaj Media Production:- Waxa aan idiin fududaynay Adeega Daawashada Al majdi Tv
Bosaso:- Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayay maanta Mu’asasadda Al-minjaah Media Production ku qabatay Hoolka shirarka ee Dhismaha Amal Plaza ee Magaalada Boosaaso kaas oo ay ku soo bandhigaysay Adeega Tv-ga Islaamiga ah ee Al-majd oo ay Mu’asasadaasi wakiil uga tahay Soomaaliya.
Xaflada waxaa ka soo qeyb galay marti kala duwan oo isugu jiray Culimo iyo Ganacsato si weyn looga yaqaano magaalada ,waxaana sidoo kale xafllada goob joog ka ahaa Bahda Warbaahinta qeybaheeda kala duwan oo lagu casuumay .
waxaana ugu horeyn xaflada furay Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur wuxuuna si kooban uga hadlay faa’iidooyinka uu leeyahay adeega Tv-ga Islaamiga ah ee Al-majd ee laga leeyahay Dalka Sucuudiga.
Sheekh Axmed C/samed Cabdulle oo ah Gudoomiyaha Mu’asadda Al-minhaaj ayaa si faah faahsan uga hadlay mu’asasada wuxuuna ugu horeyn sheegay in m’usasadoodu ay ku howlan tahay sidii warbaahinta looga faa’iidayn lahaa faafinta diinta iyo wacyi galinta Bulshada .
Sheekh Axmed waxa uu itaa kadib sharaxaad ku sameeyay tirade Kanaalada uu ka kooban yahay Tv-ga Islaamiga ah ee Al-majd wuxuuna sheekhu xusay in TV-gu uu ka kooban yahay 13 Kanaal oo sadex ka mid ah ay yihiin bilaash halka tobanka soo hadhayna lagu daawanayo Kaadhadhka loo yaqaano Smart Card ,wuxuuna intaa ku daray Sheekhu In Tv-ga uu wato Receiver u gaar ah Tv-ga Al-majd oo ah mid uu gooni la yahay ,wuxuuna dulmar ku sameeyay Kanaalada oo uu ka tilmamay Kanaalka u gaarka Ah Quraanka Kariimka ,Kanaalka Axaaadiista , Kanaalka Wararka , Kanaalka Bii’adda ama deegaanka, Kanaalka Documentry-ga iyo Lix Kanaal oo gaar ah u ah wa Caruuta iyo sidoo kale Idaacad qaan Tv ahaan u shaqeynaysa.
Intaa kadib waxa uu Sheekh Axmed ka hadlay Faa’iidooyinka ay leeyihiin wuxuuna tilmaamay faa’iidooyinkooda in ay ka mid tahay in ay ka haqab tirtaan bulshada Aqoonta diinta barashada Afka Carabiga iyo Tarbiyada owlaada si looga kaaftoomo daawashada Kanaalada kale ee qaarkood xun xunyihiin .
Sheekhu waxa uu tilmamay in qaabka lagu heli karaa adeega Tv-ga Al-majd ay tahay in qofka doonayaa uu la soo xidhiidho Mu’asasadda Al-minhaaj si uu u gato Receiver –ka Al-majd iyo kaadhka Smart Card-ka , wuxuuna intaa ku daray in Magaalada Boosaaso ay tahay meeshii ugu horeysay ee ay adeegaas ka hirgalinyaan ayna ku tala jirayaan wakhtiyada soo socda ay xarumo ka furi doonaan Magaalooyinka waa weyn ee dalka si looga helo adeegyada kadib marka uu macmiilku galo .
Sheekh Axmed waxa uu intaa kadib xusay in qiimaha lagu qadan karo adeega Tv-ga ay tahay 170 Dolllar oo lagu qadanayo Receiver-ka oo hal mar ah iyo kirada Kaadhka (Smart Card) oo sanadkiiba hal mar la bixinayo 150 dollar wuxuuna xusay in qiimaha Soomaaliya lagaga helayo adeegan uu yahay 115 Dollar halka Dalka Sucuudiga laga helayo 160 Dollar taas oo ah qiimaha u go’an adeega guud ee Tv-ga Al-majd
Intaa kadib waxaa hadal kooban Xaflada ka soo jediyay Sheekh Cabdi Waaxid Cali Xaashi wuxuuna ugu horeyn sheegay in uu aad u soo dhaweynayo barnaamjika ay Mu’asasadu soo bandhigtay wuxuuna sidoo kale xusay in uu ku fakarayay sidii Tv-an loo keeni lahaa dalka si xal loogu helo da’yarta soo koreysa ee la jaanqaadaysa dawashada kanaalada xun xun .
Xaflada ayaa ku soo gaba gabowday jawi aad u wanaagsan , talaabadan ay qaaday Mu’asasada Al-minhaaj ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee ay Mu’asasadaasi ka hig galiso Soomaaliya marka laga eego dhanka adeegan waxaana jirta in Mu’asasadan ay ku howlan tahay sidii bulshada ay ugu faa’ideyn lahayd iyadoo xooga saaraysa dhanka warbaahinta oo lagu tiriyo udub dhaxaadyada Bulshada.
Xigasho:- Somali Mirror

|