Xisbiyada Midigta ee reer Galbeedka:- Hambalyo Sida aad u mamnuucdeen Manaaradaha


Xigasho: Islamtoday.net 


Kadib mamnuucidii ay shacabka reer Iswetzerlaan ay mamnuuceen dhisida minaabirta, ayaa waxa kadhalatay dhiiri galin ay haleen dadka kale ee reer galbeedka ah ee iyago mabda'aas la qaba dadka reer iswitzerlaan.

Axsaabta midigta fog ee dalalka Holand, iyo Denmark ayaa shacabkooda ugu baaqay in ay dalbadaan codeyn lo qaado in la mamnuuco dhismaha manaaradaha masaajida iyaga oo ku dayana dadka reer iswetzerlaan.


Xisbiga Xoriyada ee dalka Holand uu hogaamiyo Jerard Veldres oo ah gaalkii weynaa ee keenay filinkii uu ugu magac daray (Fitnada) ee lagu maagayay islaamka ayaa isna wacad ku maray in uu mooshinkan oo kale uu hordhigi doono barlamanka holland si ay ugu soo bandhigaan shacabka holland isaga oo sheegay in ay tageeri doonaan go'ankan oo kale.

Waxana uu intaas sii raaciyay in la joojiyo muslimiinta u soo haajireysa ama qaxootinimada uu aadaysa dalka holland isaga oo sheegay in muslimiintu ay khatar ku yihiin jiritaanka dalalkooda sidoo kalena masaajidooda loo diido dhismaha.


Sidoo kale go’aanadan oo kale waxaa haatan ku dhiiranaya xisbiga midigta fog ee dalka denmark oo iyaguna sheegay in ay go’aankan mid lamid ah ay ka qaadan doonan dhismaha minaarada.

Maxaa dhib ah oo ku jira?


Su’aashan oo ka guuxaysa madaxa intabadan dadka la socday dhacdadan, ayaa waxaa la waydiiyay xiriiriyaha jaaliyada muslimiinta ee ku nool dalka Iswetzerlaan Caadil Al-Maajiri, Kadib waraysi uu siiyay Tv.ga Aljazeera waxana uu ku jawaabay

“Anigu magaranayo ujeedka loo diidanayahay, waayo diimo badan ayaa wadanka ka jira, Islaamkuna waa diinta labaad ee waddan. Dhibku ma aha ayaan filaya manaarada masijidka oo ah qeyb kamid ah dhismaha masaajid lagu garto sida mixraabka iyo mesha lagu tukanayo oo ah astaanta masaajid, ee arintu meel kale ayay ka socotaa”


Hase ahaatee mar laweydiiyay xisbiyadan ku doodaya arintana waxa ay sheegeen in ay tahay astaan wayn oo mance ugu fadhida waa astaan tilmaameysa lahaanshaha dhulka in uu leeyahay muslim. Maxay uga xumanayaan hadii ay tahay dhisme oo kaliya ha iska dhafeen.

Said Ahmed, Alhikma Bosaso
allxikma@hotmail.com


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .