Degdeg:- Minbar Masjid oo danbe lama dhisi karo-Iswitzerlaan


Isha warka:Alhikma+Wakaalado


Jineef:- Iyadoo Axsaabta Midigta fog ee dalka Iswetserlaan ay soo jeediyeen mashruuca ka dhanka dhismaha manaaradaha masaajida oo dheeri ah, ayaa waxa muuqata in riyadoodii ay u dhaboodey kadib markii codeyntii loo bandhigay shacabka iswitzerlaan ay u codeyeen in aan dib danbe loo dhisi karin minbar masaajid gudaha dalka iswitzerlaan.

Inkasta oo ay tirada minbarada ku yaala dalka iswitzerlaan ay guud ahaan tahay 4 minbar, ayaa warkan naxdinta leh oo ay haatan baahisay Tv dalka iswitzerlaan waxa uu walwal ku abuurayaa musliminta iswitzerlaan isaga oo uu mashruucan noqonayo mid hami iyo horay u kac ku dhaliya xisbiga midigta fog ee kusoo horjeeda diinta Islaamka


Hadaba Intee ayay dhan yihiin Muslimiinta Iswetzerlaan


Musliminta Wadanka Iswetzerlaan waa kuwo aad u tiro yar waana 4.2% guud ahaan tirada dadka reer iswetzerlaan oo u dhiganta 420,000 oo qof marka loo barbardhigo 10,000,000 oo qof oo reer Iswetser ah. waxay ay asal ahaan ka soo jedaan qaarada yurub gaar ahaana dhulka looyaqaano (Balqaan).


Muslimiinta Iswetserlaan guud ahaan wa ay korayaan waayo waxay ahaayeen sannadii 1930 16 kun oo qof iyaga oo tirakoobka lafilayona sanada 2010 ay noqonayaan 420 kun oo qof, hase ahaatee tiradina ma aha mid wax gal ah marka loo fiiriyo guud ahaan tirada dadka reer Iswetserlaan kusoo laabmi kara 24 jeer.


Lakiin Arinku sidaas ma aha

Hadii ay tahay arinku in loo tiro sheegtay muslimiinta dalka Iswetserlaan arintu maha mid dalkaas oo kaliya ku kooban, waayo muslimiintu waa kuwa aduunka ka taliya si muuqata ama si qarsoon.


Arintan cawaaqibka ka dhalan kara ayaa ah argoosiga muslimiinta taasi oo ay ka digeen dad badan oo reer iswitzerlaan ah, gaar ahaan dadka isha ku haya ganacsiga dalkaasina waxa ay tibaaxeen in arintan ay wax yeelayn doonto ganacsiga iswetserlaan oo ku xiran ganacsiga bariga dhexe iyo dalalka islaamka.

Sheekh yuusuf Al-qardaawi oo ah mid kamid ah culumada ugu wayn dunida muslimka aya xilli hore u sii digay dadka reer iswitserlaan waa hadii ay qaataan go'aanka oranaya diidmada dhismaha manaabir ay leeyihiin masaajidu


Masidan baa Xoriyatul Qawlka Yurub?

Arintan waxa ay waji gabax ku tahay dawlada Iswitzerlaan iyo waliba dawladaha reer Yurub oo intabadan ku sheegta waxa ay ku magacabeen is ixtiraamka diimaha, tani xilligan ma muuqato waxa ay ahayd 2 maalmood ka hor xilli maxkamad ku taala dalka jarmalka ay u diiday muslimiinta wadankooda in ay qashaan Udxiyada ciidooda.


Kumana koobnaan doono arinku Xoolaha oo lagawraco diimdadooda iyo dhismaha minbarada oo la hor istaago arinka waxa uu umuuqda mid hadba ay soo talaabsanayaan dadka reer yurub si loo qiyaaso inta ay le'egtahay isku xirnaanta iyo ka dhiidhinta muslimiinta aduunka.


Waxa isha lagu dhawrayo oo lasugaaba waa intee le'egtahay jawaab celinta musliminta dunida ay ka qaadan doonaan go'aankan ay gareen shacabka reer iswetserlaan iyo maxay noqon donta jawaabta muslimiinta aduunka. Waa su'aal jawaabteeda laga dhawrayo Muslimiinta aduunka.


Alhikma Bosaso
allxikma@hotmail.com


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .