Lasocodka Acmaasha Xajka 3-Alhikma


 Xigasho: Islamtoday.net


Mekka:- Waxaa si rasmi ah wali uga socda Dalka Boqortooyada Sucuudi carabiya gaar ahaana bogcadaha barakaysay gudashada acmaasha xajka oo sannad walba xilligaan oo kale ay 3 malyan ay isugu yimadaan halkaasi si ay ugutaan mid kamid ah tiirarka ugu muhiimsan diinteena islaamka ee xajka.


Xajka sannadkan oo ahaa mid ilgaar ah lagu hayay ayaa inta la ogyahay waxa uu aahaa mid intiisa badan guul iyo waliba nabadgalyo ku dhamaaday, reer galbeedka oo ka faaideysanaya hargab doofaarka oo u marmarsiyoonaya xajka iyo waliba jawi roobaad oo keenay in ay burburaan laba buundo oo ku yaal makka ayaa keentay il ku hayntan.


Xujeyda ayaa maanta si nabad leh waxa ay kusoo guteen mid kamid ah rukniyadii xajka oo ahaa dhagax tuurka kaasi oo ay inta badan xujeydu dhib kamari jreen, iyaga oo barina sii wadaya ruknika dhagax tuurka ilaa ay ka soo gabagabeynayaan oo ay dib ugu laabanayaan makka halkaasi oo ay ku gudanayaan dawaaful Wadaaca.

Dhanka Wasaaradda Caafimadka ee dalka Boqortooyada Sucuudiguna waxa ay sheegtay in ilaa hadda ay jidho 5 xaladoodo oo geeri ah taasi oo ay xujaydu ugu geeriyoodeen cudurka hargab doofaarka oo walwal galiyay xujeyda sannadkan gudanaya xajka.


Xajka sanadkan ayaa ah mid aad looga shaqeeyey iyada oo dawlada sucuudiguna ay wado mashaariicda lagu horumarinayo xajka sida mashruuca tareenka iyo mashaaric kale oo u fududeyna xujeyda in si fudud xajkooda ugu taan.

Wararka kusaabsan xajka iyo halka ay dhacdooyinkiisa maryaaan kala socod Alhikmanet.com


Alhikma Bosaso
allxikma@hotmail.com


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .