Sh. Axmed Daahir Aweys oo kawaramaya Taariikh nololeedkii Sh. Maxamed Rashaad

 

Xigasho: Universal TV


Shiikh Axmed Daahir Aweys ayaa ka warbixiyay taariikhdii Sh. Maxamed rashaad naxariistii janno alle haka waraabiyee isaga oo uwaramayay TV-ga ku hadla afka Soomaaliga ee Universal Tv.

Sh. Axmed waxa uu sheegay in uu Sh. Maxamed Rashaad Allaha u naxariistee in uu dhashay xilli ku began sannadii 1955, isaga oo wax barashadisa ku saaqaatay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.


“Waxa uu wax ka bartay Culumo badan oo reer azhar kuwaas oo soomaaliya kusoo laabtay sida sheikh Maxamed Macalin alle ha u naxariistee iyo Sh. Shariif Cabdinuur, islamarkaasina in sh. Maxamed Rashaad alle ha u naxariistee in uu ahaa inaad waxbarashada ugu dadaal badna” Ayuu yiri Sh. Axmed Daahir Aweys

Waxa uu tibaaxay sheekhu in Sheekh Maxamed Rashaad uu ku soo biirey kor u qaadida dacwada todobaataneeyadii isaga oo ahaa culumadii soomeeliyeed ee waxbarashada u aaday jaamacada Boqor sucuud ee dalka Boqortooyada Sucuudi Caribi isaga oo ahaa ardadii sheekhii wayna ee Ibnu Baaz ilaah ha u naxariistee.


Intaas kadib waxa uu sheekhu uu dagay dalka Canada halkaasi oo kasii bilaabay ololaha dacwada iyo kor uqaadista diinta isaga oo ahaa mid kamid ah culumadii ugu firfircooneyd ee ka qaybqaadata dacwada iyo wacyi galinta jaaliyadaha soomaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa, isaga oo sheeku macalin ka ahaa jaamacadda ugu weyn ee dalka Canada waxna ka dhigi jirey Kuliyadaha Caafimaadka iyo Shareecada islaamka.

Allaha u naxariistee Sh. Maxamed Rashaad waxana aan ilaahay ugu rajaynaynaa jannadiisa Firdoowsa in uu kawaraabiyo inagana iyo qoyskiisa gaar ahaan sammir iyo iimaan alle haka siiyo, waxa uu ahaa sheekh wayn oo soomaaliyeed waxana aan leenahay ilaahay kuwo lamid ah oo badalla ha inaka soo dhex saaro.



Alhikma Bosaso


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .