Tiirkh Nololeedkii Sh. Maxamed Rashaad oo Kooban
xigasho CBA.Ca
Ilaah Ha U naxariishtee Sh. Maxamed Rashaad waxa uu ahaa mid kamid ah Culumada ugu wayn soomaaliya ee fara ku tiriska aqoon ahaan, waxaa uu ahaa nin aad loo jecelyahay muxaadarooyinkiixa inta badanna ka hadli jiray dhibaatooyinka soomalida haysta si loo xalliyo tusaale ahaan qaadka, dhibaatada qurbaha iwm.
Sh. Maxamed rashaad waxa uu ahaa qiyaastii 50 sano jir, inkasta oo aanan helin da’diisa rasmiga ah, waxa uu ifka uga tagay 4 wiil iyo 4 gabdhood oo ku nool Caasimada dalka Canada ee Ottowa.
Sh. Maxamed Rashaad waxa uu ahaa Gudoomiyaha masjidka Assalaam ee magaalada Ottowa.
“Aabahay waxa uu ahaa nin hawlkar ah oo nasashadiisu ay yarayd, Waxa uu ahaa sidoo kale nin naxariis badan” ayuu yiri Wiilkiisa Curad ee SH. Maxamed Rashaad waa Cabdixakiim oo uwaramayay CBA.Ca.
Mar waxa laga waydiiyay Cabdixakiim geerida aabihii waxa uu yiri “Waxa aan u malaynayaa in uu ugeeriyooday xanuun dhanka Caloosha ah ama beerka, lakiin wali waan ka dhursugaynaa xaqiiqda geerida aabahay”.
Shiikha ayaa waxa uu sidoo kale kamid ahaa culumada waaweyn ee aqoontoodu sarayso ee wax ka dhiga jaamacadaha dalka Canada, waxana uu ahaa nin aad cilmigiisa looga fa’ideysto gudaha iyo dalka Canada dibadiisa.
Shiikhu ma ahayn nin ku kooban dacwada waxa uu ahaa nin wax ka qabta xuquuqda bini aadanka, iyada oo ay saxaafada Canada-na ay sheegtay in uu kadanbeeyey siidaynta labada saxafi ee lagu afduubay koonfurta soomaaliya 15 bilood ka hor.
Hadaba tariikhda Shiikha ma aha mid ku kooban intan oo kaliya warbaahinta Alxikmana waxay idiin soo bandhigaysaa tariikhda Sheekh Maxamed Rashaad iyo Maxadarooyinkii lagu bartay oo aan dadka calooshooda ka go’I Karin. Lakiin Hadalku waxa uu ku dhanyahay in Sheekhu ilaahay oofsaday laguna Camal falo hadaladiisii Muxaadarada (Xasuusta Macaan gooyaha oo dhan) oo maanta u baahan in lagu cibra qaato.
Alhikma Bosaso

 |