Habkee ayaa loo weyneyn karaa Ciida Adxaha



Bosaso:- Sida aan ognahay umad  waliba waxa ay leedahay maalmo ay weenayso, Hase ahaatee Muslimiintu waxa ay leeyhiin laba maalmood oo ay weenayaan oo ah Ciidaha Fidraga oo ah (Dhamaadka Bisha ramaadaan iyo Dhalashada Bisha Shawaal), iyo Ciidul Adxa oo ah (10 ka Bisha Dil Xijjah).

Maadaama ay ciidu leedahay ahmiyad weyn, IQK alxikma waxa ay bulshada usoo bandhigaysaa habka ugu wanaagsan ee kor loogu qaadi karo maalinta Ciidka.

1-   Takbiirta Salaada Ka horeysa:- oo ah in kor loo qaado magaca alle iyo taasi oo lagu celclinayo Subaxa Ciidka Salaada ka hor, inkasta oo ay ciidan Adxa lawadayo takbiirta ilaa maalinta saddexaad ee ka danbeysa ciidka ama makhribka ugu danbeeya ee (Ayaamul Tashriiqa) sida uu ilaahay SWC uu yiri


(واذكـــروا الله في أيام معدودات) البقرة:203

Sida loo Akhrinayona waa )Allaahu akbar, Allaahu Akbar, Allaahu akbar, Laa ilaaha Illa laahu, Allaahu akbar, Allaahu Akbar Wa lilaahil Xamdu) Waxaana sunna ah in kor loo qaado maalmaaha kor kuxasan markasta gaar ahaanna ragga


2- Gawricada Udxiyada “Cidii Awooda”:- Waxaana haboon in lagawraco Salaada kadib sida kasugnaatay nabi Muxamad NNKH. Waxaana haboon marka lagawracayo in uu akhriyo 
بسم الله والله أكبر، اللهم هذا عني وعن من لم يُضح من أمتي
Bismilaah Ilaab baa wayn, Ilaahaw waxay ka timi xagayga iyo cidii aan udxiyo qalin, Waxaana haboon in uu qofka aan gawraci karin ay goobjoog ka noqoto gawraca 


3-   Is udginta iyo waiba Qubayska “gaar ahaanna ragga”:- Waxaa habboon in raggu is udgiyaan ayna xidhaan dhar quruxsan, mana habona kibirka iyo ku talaxtagista iyo waliba waxyaabaha xaaranta ah sida Garka xiirista iyo waxa lamidk ah
Dumarkase way soo labisanayaan, iyaga oo aan isqaawin ama aan is udgin si ay ragga u soo jitaan, taasina waa mid aan banaaneyn.


4-   In wax laga cuno Udxiyada: Taasina waxa ay ka sugnaatay NNKH waxana uu wax ka cuni jiray udxiyada marka uu salaada kasoo laabto.

5-   In loo lugeeyo muslaha “Cidii Awooda”:-Waxaa haboon in loo lugeeyo Musalaha, Waxaana sunna ah in muslimiinta hal goob jooga in ay isugu soo baxaan banaan, halkaas oo ay ku ogayaan sallaada ciida.

6-   Dhagaysiga Khudbada:- Waxaa haboon inaad dhagaysto Khudbada aadna dadka musalaha isugu yimi aad wada jir ula tukato

7-   Kala duwista Wadada:- Waxaa sunna ah marka aad aadayso musllaha in aad marto wadada ad donto, lakiin waxa haboon marka soo laabanayso in aad kala dudo wadada aad sii martay iyo tan aad gurigaaga aad ugu soo laabanaysa.

8-   In la isugu tahniyadeyo Ciidda:-
Iyada oo muslimiintu ay isu tahniyaad ciidda iyaga oo dhaha “Ciid Mubarak” “Taqaballa laahu mina waminkum” iww.

9-   In lagu wada kulmo Cuntada:-
Taasina waa mid kamid ah astaamaha wanaagsan ee ciidda, sida uu sheegay Sheekh ibnu taymiyah “” Majmuuc Al-fataawaa 25/298.

Ka Digtoonow Khaladaadkan


1-   In halmar lawada qaado takbriita oo aan Cid lagu dayan tusaale ahaan in halmar Cida Akhrinaysa lala akhriyo oo aan lagadaba akhrin.


2-   In waqtiga lagu lumiyo Waxyaabo aan banaaneyn, Sida heesaha, daawashada filimaanta xun iwm


3-   Buunbuuninta iyo waliba in aan si xad dhaaf ah kor loogu qaado Habeenka Ciida


4-   In maalinta ciida si gooni ah loo booqdo qabuuraha iyada oo labarakaysanayo


5-   In ciida Timaha la jaro, ama cidiyaha la jaro Udxiyada ka hor.


Wixii Fikir ah ama aragti ah...........     kusoo dir allxikma@hotmail.com
Alhikma Bosaso



         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .