La socoshada Acmaasha Xajka 2 – Alhikma
Mekka:- Iyada oo ay maanta ay bilaabatay acmaasha rasmiga ah ee xajka, ayaa wararka ka imanaya Boqortooyada sucuudi Caribi oo ah carriga oo ku dhisan yahay beytka alle ee wayn Ee masjidul Xaraamka iyo waliba ay kutaalo Kacbada, ayaa waxa gudshada acmaasha xajka ay si habsami leh uga soctaa halkaasi.
Hase ahaatee roobab ka da’ay intabadan goobaha barakaysan ee xajka iyo waliba wadada udhexeysa Jiddah iyo waliba Makkah ayaa laanta socdaalka Boqortooyada sucuudiga waxa ay digniin u jeedisay xujayda in ay ka digtonaan radadka u reebi karo roobkan iyo waliba in hoos loodhimo socodka xujeyda iyo waliba in ay ka fejignaadaan in ay kusocdaan goobaha ay biyuhu isugu yimaadaan.
Inkastoo guud ahaan dawlada sucuudiga ay ka taxadartay dhibaato kasta oo ka iman karta xilliga gudhashada xajka ayaa hadana dawlada sucuudiga waxa ay tibaaxday in 3 ka mid ah xujeyda laga helay astaamo u eg kuwa viruska cudurka hargabka doofaarka ee H1N1 (Hej wan en wan) halka ay dhakhaatiirta sucuudiga ay latacalayaan xujaydaasi iyo waliba ciidamada amaanka iyo kuwa hawlaha caafimaad qaabilsan ay indhaha ku hayaan xujayda gudanaysa xajka sannadkan ee 1430ka Hijriyadda.
Wararka iminka soo gaaraya warqabadka IQK alxikma Bosaso, waxa ay sheegayaan in dhamaan xujayda ay haatan joogaan banka Mina oo ay halkaasi caawa u hoyanayaan iyada oo an la xusin wax dhibaato ah oo soo gaaray xujayda, halka ay xujayduna raceen qorsha wasaarada arimaha xajka ay u dajisay sankan xujaydu in ay racaan si si nabadgalyo leh ay ugutaan xajka.
Wixii akhbaar ah oo la xidhiidha halka ay marayaan dhacdooyinka xajka kala socod www.alhikmanet.com
Alhikma Bosaso allxikma@hotmail.com |