Maxaad ka Taqaanaa Maalinta Carafah iyo Fadligeeda


 Bosaso:- Maalinta Carafa oo ah (9ka Bisha Dilxijjah) waa maalin qiime wayn ugu fadhida muslimiinta oo dhan, waa maalintii la dhamaystiray diinta.

Hadaba Waa maxay Fadaaiisha ay leedahay Maalinta Carafa, Sidee ayayna uga faa'ideysan jireen Salafkii (Saxaabada iyo Taabiciinta).

Maalinta carafe waamaalin fadligeedu aad u wayn yahay waxaana tusaale weyn u ah in ay tahay maalin ducooyinka la aqbalo. Waxayna mu taysatay tixgalin weyn iyada oo ah:

1- Maalintii Diinka La Dhamaystiray Nicmadana La Dhamaystiray:- Waxaa uu laga riyay Cumar Binul Khadaab ayaa maalin waxa u yimi nin yuhuudi ah oo ku yiri “Aayad Quraanka ku jirta oo aad akhridaan, hadii ay anaga nagusoo degi lahayd waxaan maalintaas oo dhan kadhigan lahayn maalin ciid ah” Cumar ayaa waydiiyay oo yidhi “Waa aayadee” Yuhudigii ayaa ugu jawaabay “ ayaada uu ilaahay leeyahay (Maanta ayaa diinta idiin dhamaystiray , waxana aan idiin dhamaystriay Nicmadayda, waxaana raali idinkaga noqda Islaamka in uu yahay Diintiin”
 
)اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا) "المائدة: 3"

Markaas ayuu ugu jawaabay cumar “Waan garanaayaa maalintii ay soo degtay iyo waliba goobta ay kusoo degtay, oo ah maalin jimce ah isaga oo taagan nabiga Buurta Carafah.

2- Sidoo kale waxa ay kamid tahay Tobanka maalmood ee ugu horeysa bisha Dilxijjah taas oo ilaahay ku dhaartay SW

(والفجر * وليال عشــر*والشفع والوتر) سورة الفجر: "1،2"

Mufasiriinta qaarkood waxa ay ku fasireen (Al-watri:- Malinta Carafo) (Ashafci- Maalinta Ciidul Adxa)


Xadiis uu saxaabiga Abuu Hurayra uu kawariyay Nabiga SCW oo fasiraya ayadahan


(واليوم الموعود * وشاهد ومشهود) البروج "2،3"


Waxa uu nabigu NNKH uu ku fasiray (Yamul Mawcud- Qiyaamaha) (Shaahid-Jimcaha) (Mash-huud:- Maalinta Carafah) waana sida uu qabo Saxaabiga Iyo mufasirka Wayn Cabdulaahi Binu cabaas Ilaah raali haka noqdee.


3- Soonka Maalinta Carafa Waxa uu tirtirayaa danbiyada 2 sano: Sida uu abuu qataada uu nabiga ka wariyay mar nabiga lawaydiiay Soonka maalinta Carafo waxa uu sheegay “In uu danbi dhaaf u yahay Sanad tagtay iyo waliba sannad soo socota”.


Sidoo kale maalintan waa miln shaydanka uu duloobo lana dhaafo danbiyada, waana maalin qiime wayn ugu fadhida Muslimiinta


Hadaba side baa loonooleynaa maalintan

1-   
Ku dadaal in aad xubnahaaga ka ilaaliso danbiga sida xadiis nabiga uu la gawaray in nabiga uu ku yiri Fadli ibnu cabaas in uu nabigu ku yiri ( Maanta oo kale waa maalin la dhaafo danbiga cidii hantida maqalkooda iyo aragooda iyo waliba carabkiisa).

2-    Inlabadiyo Xusitaanka Alle gaar ahaan tasbiixda Taxmiidka iyo Tahliisha, Waxaa laga wariyay Ibnu Cumar Alle Haka Raali Noqdee in uu yiri (Waxa aanu ahayn kuwa ah nabiga agtiisa, waxaana aan isugu jirnay kuwo Takbiirta ama Tahliisha…)

3-    In La badiyo Ducada iyo waliba in eebbe la waydiisto in uu qoorteena naarta ka xoreeyo sidi uu yiri nabi Maxamed NNKH waxa uu yiri (Ducada ugu wanaagsan waa ducada maalinta carafo, waxa ugu wanagsan ee aniga iyo nabiyadii iga horeeyey ay dhaheena waa Laa Ilaaha Ila Laah waxdahu laa shariika lah, lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kulli shay’in qadiir)

4-    Waxaa sidoo kale mudan in fadliga maalintan loga fa’idaysto in lagacan qabto masaakiinta guud ahaana tobonka ugu horeysa ee bishan dil xijjah waxana aad ilaahay hor geystaana oo wanaag ah waa la idiin gudayaa xaga Alle iyada oo aan la idin ka dulmin .

Marka dhamaan muslimiinta waxaan ku boorinaynaa in ay kafidaystaan maalintan oo muhiim u ah dhamaan muslimiinta ee u baahan danbi dhaafka alle, Waxaana anaga iyo idinkaba idiin dardaarmeynaa cabsida allle SWC.

Wixii khalad ah ama aragti nagala soo xidhiidh allxikma@hotmail.com






         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .