Mekka:- Maanta oo ah maalinta Sideedaad ee Bisha dilxijjah, islamarkaasina ay bilaabato in laguto acmaasha rasmiga ee xajka, ayaa waxa ay xujaydo ay u ambabaxeen dhanka iyo Mina si ay ugu dhamaystaan maalinta (Yam Attarwiyah) iyaga oo ku dayana sunadda nabiga SCW.
Hadabada Boqortooyada Sucuudi Caribaya ayaa xil wayn iska saartay gudashada Xajka iyo ammaanka Xujayda iyada oo soo bandhigtay hawlgalo lagu qancay oo lagu badbaadinayo gudashada xajka inta lagu guda jiro
Afhayeen u hadlay wasaarada Arimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudiga oo u waramay Telefishenka Qaranka ayaa tibaaxay in Dawladdu ay adkeysay soo galitaanka Magaalooyinka Maka iyo Madiina iyo waliba goobaha barakaysan ee lahalmaala.
Sidoo kale Afhayeenku waxa uu tibaaxay in dawladu ay digtooni ka qaadatay baahitaanka cudurada faafa, iyada oo intabadan dawladaha reer galbeedka ay ku dhiirinayeen joojinta xajka si looga hortago cudurada faafa. Lkn Dawlada sucuudiga ayaa arinta gaashaanka u daruurtay.
Dhanaka kale dawlada sucuudiga ayaa waxa ay tibaaxday in kumanaan shacabka reer falasdiin loo ogalaaday in ay ka qay galaan xajka barakaysan iyada oo ooda laga qaaday marinka rafax oo ay horay u xidhay dawlada Masar.
Tirada Xujayda ee Sanadkan waxaa lagu qiyaasay 2 malyan 243 kun iyo 926 qof waa kuwa ka imanaya dalka sucuudiga dibadiisa iyada tirade guud ay noqonayso 3 milyan oo qof.
Dhanka kale DGPl waxa kasoo xakinaya xujay badan oo ay horkacayaan madaxwayne ku xigeenka DGPL Abdisamad Cali Shirev iyo waliba Qaar katirsan golaha wasiirada DGPL, iyo waliba Culumada ugu caansan deeganka Puntland kuwaasi oo horkacaya islamarkaasina Hagaya Xujayda Somaliyeed iyo Kuwa Deeganada Puntland
Acmaasha Xajka waa ay sii socon doonaan IQK alxikmana si rasmi ah ayay idinkugu soo gudbinayaan halka ay marayaan Acmaasha xajka ilaa iyo gababagabada Gudashada Xajka.
Al-Hikma Bosaso
allxikma@hotmail.com