Is Araga Labaad ee Tartankii Gobolada ee Bisha Ramadan oo Caawa Bilaabanaya


Bismillahi Raxmani Raxiim.


Tartankii gobolada dalka ee idaacada Alxikma isla markaana ay maalgelisey shirkada isgaarsiinta Golis Telecom, Wareega koowaad ee tartanka waxa uu ka koobnaa labo qeybood waxaana ku soo wada kulmay 12 gobol oo dalka ah, kuwaasi oo kala ahaa Banaadir, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose, Bay, Jubada Hoose, Galagaduud, Hiiraan, Nugaal, Mudug, Buuhoodle (Cayn), Gedo iyo Bari.


Hadaba saaxiibayaal waxaa hadda wada taagan lix gobol oo kulamadii ku badiyey iyo lixdii laga badiyey, waxaana loo gudbayaa qeybtii labaad ee wareega koowaad ee tartanka si kooxuhu ay markale isu arkaan dhexdooda, lixda gobo lee badiska heysata hadda way fadhinayaan oo waxay sugayaan wareega labaad ee rasmiga ah waxaana wada kulmaya lixdii laga soo badiyey.


Wareega labaad waxaa u fadhiya 6 gobol oo kala ah,


Gobolka:                        Magaalada:
1. BANAADIR                 (Muqdisho)
2. MUDUG                      (Galkacyo)
 3. NUGAAL                      (Garowe)
 4. BARI                          (Boosaaso)
5. CAYN                       (Togdheer) Buuhodle
6. JUBADA HOOSE        (Kismaayo)


Wareega koowaad is aragiisa labaad waxaa ku wada ciyaaraya 6 gobol oo ah kuwii laga badiyey qeybtii koowaad ee wareegaas, kuwaasi oo kala ah:


1. Gedo
2. Bay
3. SH/Dhexe
4. Hiiraan
5. Galgaduud
6. SHabeelaha  Hoose.


Waxayna isu arkayaan sidan:


WAREEGA KOOWAAD / qeybta 2aad:



Taariikhda                                   Gobolada kulmaya:
8-RAMADAN                             SHABEELAHA DHEXE vs BAY
9 RAMADAN:                            HIIRAAN vs SHABEELAHA HOOSE
10- RAMADAN                          GALGADUUD vs GEDO


FIIRO GAAR AH: waxaa lixdan gobol laga rabaa in saddex gobol ay soo baxaan, 3da gobol ee ka soo baxda lixdan ayaa u gudbaya wareega labadaad oo ay horey u fadhiyeen lix gobol.


Saddexdii laga badiyey ayaa mar kale is arkaya iyaguna oo isku noqonaya min 2 jeer, waxaana laga rabaa halka gobol ee ugu dhibcaha badan ugu dambeyntii (AMA SOO BAXA).


Sidaas darteed waxaa wareega labaad rasmi ahaan ugu gudbaya 4 gobol oo ka mid ah kuwa ka soo gdbay wareega koowaad qebtiisa labaad iyo 6 gobol oo hore u sugeysey, waxaana halkaasi isku arkaya 10 gobol oo ku wada ciyaaraya wareega labaad.


Wareegan waxaa uu bilaabanayaa habeenka Sabtida ee 8 Ramadan oo ku beegan 29 August 2009.




         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .