Gobolka Mudug oo Ka Guuleystey Gobolka Shabeelaha Hoose Tartankii Gobolada ee Alxikma


Tartankii gobolada ee ay martigalisey idaacada Alxikma oo ay ku tartameen gobolada Mudug iyo Shabeelaha Hoose ayaa si rasmi ah waxay guushu u raacday gobolka Mudug.


Tartanka oo ah tartan kulul oo labada dhinac uu mid walba uu soo bandhigay dadaal iyo karti dheeraad ah ayaa waxaa labada gobol ay qaateen 12 su’aalood.


Gobol kasta waxaa uu lahaa 6 su’aal oo ka mid ah su’aalaha kuwaasi oo la weydiiyey.


Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada Afgooye, waxay ka jawaabeen 2 su’aalood iyo 1 ka faa’ideysi ay u heleen, taasi oo ka dhigtey dhibcahooda guud 5 dhibcood.


Gobolka Mudug xaruntiisa Galkacyo, ee la tartamay ayaa isaguna heley 4 su’aalood oo ay ka jawaabeen si toos ah iyagoo heley 8 dhibcood.


Tartankan oo ay ku dardamayaan 12 gobol oo dalka ka mid ah, waxaa maalgelineysa shirkada isgaarsiinta Golis Telecom Somalia.


 


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .