Natiijadii Tartan Aqooneedkii Dhexmarey Gobolada Bari iyo Hiiraan
Labada gobol ee Bari iyo Hiiraan ayaa waxaa dhexmarey tartan aad u xiiso badnaa kaasioo labada gobol ay ku soo bandhigeen tartan qurux badan oo saaxiibtinimo.
Waxaana tartankaasi oo ka koobnaa 12 su’aalood uu gobol walba lahaa 6 ka mid ah su’aalaha.
Gobolka Bari waxaa uu si toosah uga jawaabay 5 su’aalood iyadoo uu heley 1 ka faa’ideysi ah. Waxaa sidaa darted uu gobolka Bari 11 dhibcood.
Gobolka Hiiraan waxaa uu ka jawaabay si toos ah 4 su’aalood ah mana jirin wax ka faa;ideysi waxaana uu heley 8 dhibcood.
Waxaana sidaasi ay guusha ku raacday gobolka Bari.
Tartanka oo ay idaacada Alxikma u qabaneyso 12 gobol oo dalka waxaa maalgelinaya shirkada Isgaarsiinta Golis Telecom. |