Gobolka Nugaal oo Xaley ka Guuleystey Gobolka Shabeelaha Dhexe Ciyaartii Dhexmartey
Tartankii xaley ee warbaahinta Alxikma ay u qabatey gobolada dalka oo ay kju wada ciyaareen gobolada Nugaal iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo dhamaadey iyadoo guushu ayy raacday gobolka Nugaal.
Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiise badan ayaa labada gobol waxay soo bandhigeen tartan aad u heer sareeya iyadoo dhibcaha tartanka si aad ah la isugu dhowaaday.
Bilawgii hore illaa bartamaha tartanka ayaa labada gobol ay ahaayeen kuwo siman oo Barbara ah, waxaana mid waliba uu ku dadaalayey inuu adkeysto su’aalaha la weydiinayo.
Su’aalaha ayaa sida sharcigu yahay waxay ka koobnaayeen 12 su’aalood kuwaasi oo labada gobol ay u helayaan min lix su’aalood.
Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa uu ka jawaabay 2 su’aal oo ka mid ahaa 6dii uu lahaa, mana jirin wax ka faa’ideysi oo u suuragalay.
Gobolka Nugaal ayaa ka jawaabay 2 su’aal, waxaana uu ka faa’ideysi u heley 1 su’aal.
Gabagabadii tartanka ayaa labada gobol waxay ku kala bexeen 1 dhibic oo ay lahaadeen tartamayaasha gobolka Nugaal, waxaana tartanku uu ku idlaaday sidan:
Nugaal : 5 dhibcood. Shabeelaha Dhexe: 4 dhibcood.
Waxaana guushu ay raacday gobolka Nugaal.
Labada gobol ayaa ugu dambeyntii isugu hambalyeeyey guusha ay gaareen tartamayaasha Nugaal.
Tartankan ayaa socon doona illaa dhamaadka bisha Ramadan waxaana uu dhexmarayaa 12 gobol oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Caawa waxaa is arkaya gobolada Bari iyo Hiiraan.
|