Tartankii Gobolada ee Idaacada Alxikma oo Bilawday, Iyadoo ay is arkeen Nugaal iyo Sh/Dhexe


Tartran aqooneedkii gobolada dalka ee warbaahinta Alxikma ay u qabatey 12 gobol oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa xaley si rasmi ah u furmey, iyadoo ay xaley wada ciyaareen labada gobo lee Nugaal iyo Shabeelaha Dhexe.


Furitankii tartanka ayaa xaley waxaa si rasmi h ugu dhawaaqay madaxa waaxda suuqgeynta iyo ganacsiga ee shirkada isgaarsiinta Golis oo tartanka maalgelineysa Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruuq) oo kula dardaarmay tartamayaasha oo dhan inay muujiyaan dadaal adag iyo inay isu dulqaataan tartankuna uu noqdo mid saaxiibtinimo leh.


Waxaa uu Cumar Faaruuq sheegay in shirkada Golis ay tartankan iyo kuwo kaleba ka qeybqaadaneyso si ay u dhiirigeliso dhalinta Soomaaliyeed gaar ahaan mudada bisha Ramadan, halkii ay  dhalintu ku mashquuli lahaayeen waxyaabo kale oo aan wanaagsaneyn.


Gudoomiyaha guddga tartanka Sheekh C/raxmaan Aw Ciise oo isaguna la hadlay tartamayaasha ayaa sheegay in aytartankooda ka dhigaan mid walaaltinimo oo ay saaxiibtinimo ku dheehan tahay, isla markaana ay dhowraan nidaamka tartanka.


Abaare 8:50 waqtiga geeska Afrika yuu tartanku si rasmi ah u furmay iyadoo bilawgiiba uu ku bilawday dardar xoogan.


Tartankan ayaa socon doona illaa dhamaadka bisha Ramadan waxaana uu dhexmarayaa 12 gobol oo ka tirsan dalka Soomaaliya.


Caawa waxaa is arkaya gobolada Bari iyo Hiiraan.


 


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .