Kenya oo Xirxirtey Dad Soomaaliyeed oo Ku Sugnaa Magaalada Nairobi


Ciidamada sirdoonka Iyo booliska dalka Kenya ayaa hawlgal ay ka sameyeen xaafada Somalida Islii ee magaalada Nairobi ku Soo qabqabtay 12 Qof oo Soomaali ah.


25 booliska Dhar cadka ah oo ay wehliyan sarakiil sirdoon ayaa ka qayb qaatay dadkaasi gudaha Nairobi.


Saraakiil u hadashay ciidamada sirdoonka dalka Kenya oo u waramaysay wargeyska Daily Nation ayaa sheegtay i dadkaan ay ka qabteen Hotel ku yaala xaafada Islii ee magaalada Nayroobi, saraakiisha ayaa sheegtay in 12-kan ruux Loo diyaariyay inay hawlgalo ka sameyaan gudaha dalka Somaliya oo ay ka mid noqdaan ururka Alshabaab ee mucaaradka ku ah dowladda KMG.


Saraakiisha ayaa waxay sidoo Kale sheegeen in labo hay'adood oo maxali ah kuwaasi oo dalka Kenya isaga diiwaan galiyay inay yihiin hay'addo gargaar oo ka shaqeeya gargaarka baniiaadanimda, side raashin Iyo daawo qaybin ay usamaynayaan muwadiniinta ku go'doonsan Somaliya.


 


 


Cabdalle Muumin
Alxikma


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .