Madaxweynaha Iran oo Magacaabay Qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada Cusub


Madaxweynaha Iran Mahmud Ahmedinejad ayaa magacaabay dhowr ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ee dowladiisa cusub.


Wasiiradaasi ayaa waxaa ka mid ah wasiirada arimaha bani’aadanimada iyo caafimaadka, waxaana sida lagu sheegay war laga siidaayey telefishanka Iran ay noqonayaan xubnahan kuwo ku cusub golaha xukuumada.


Waxaa lagu wadaa in madaxweyne Ahmedinejad uu soo dhameystiro golaha wasiirada mudada dhow.


Waana markii ugu horeysey oo madaxweynaha Iran uu magacaabo gole wasaaradeed tan iyo intii ka dambeysey doorashadii ka dhacday Iran bishii June taasi oo ay ku murmeen mucaaradka iyo dowlada.


 


Cabdalle Muumin
Alxikma


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .