Daliban oo Digniin ka Soo Saartey Doorshada dalka Afghanistan.


Ururka Daliban ayaa soo saarey digniin dadka loogu sheegayo inaysan ka qeybgelin doorashada Mareykanku uu gar wadeenka ka yahay ee ka dhacaysa dalka Afghanistan.


Waraqqo digniin ah oo lagu daadiyey qeybo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ayaa lagu sheegay in ururka Daliban uu talaabo ka qaadi doono dadka lagu helo inay ka qeybgalayaan doorashada maalinta Khamiista ka dhici doonta dalka Afghanistan.


Waxaa lagu sheegay digniinaha in dadka ka qeybgala doorashada laga goyn doono sanka iyo dhegaha, isla markaana la beegsan doono dadka lagu helo iyagoo leh calaamada qalinka ah ee lagu calaamadiyo dadka codeynaya.


Waxa digniintaasi ay imaaneysaa iyadoo maalinta Khamiista ee todobaadkan loo balamiyey dadweynaha inay u soo baxaan doorashada guud ee dalkaasi ka dhacaysa, taasi oo ay qabanqaabadeedu leeyihiin xoogaga huwanta ee dalkaasi heysta oo uu Mareykanku horkacayo.


 


Cabdalle Muumin
Alxikma Boosaaso


         ©2008 AL HIKMA - idaacadda Quraanka Kariimka.     .